Madaxweyne Erdogan oo Farmaajo u xaqiijiyay arrin ahmiyad u leh Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa khadka telka kula hadlay dhigiisa Turkiga Rajap Dayib Erdogan oo mar kale hogaaminaaya dalka Turkiga.

Labada mas’uul oo daqiiqado wadahadlaayay ayaa isla soo qaaday xiriirka labada dal, Siyaasada, Amniga iyo Horumarka Somalia.

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Rajap Dayib Erdogan faahfaahin ka siiyay isbedelada ka socda Somalia, waxa uuna mahad gaara u jeediyay Dowlada Turkiga oo uu sheegay inaysan gudi Karin abaalka ay u gashay Somalia.

Farmaajo waxa uu Erdogan uga mahad celiyay sida ay dowlada Turkiga usoo saareyso ciidamada la doonaya inay la wareegi doonaan xarumaha ay iminka ku sugan yihiin AMISOM iyo guud ahaan amniga dalka.

Rajap Dayib Erdogan, ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo u ballanqaaday in dowladiisa ay xooga saari doonto dhinacyo badan, balse uu u xaqiijinaayo in ahmiyada koowaad ay siin doonaan amniga Somalia.

Rajap Dayib Erdogan, waxa uu xaqiijiyayin TUrkiga uu Somalia u ballanqaadayo inuu gaarsiiyo amni leysku haleynkaro, maadaama amniga uu yahay guusha koowaad uu dal ku faano.

Sidoo kale, Rajap Dayib Erdogan, waxa uu Farmaajo u cadeeyay in mowqifka Turkiga uu yahay Somalia oo ka hanaqaado halka ay iminka taagan tahay taa oo lagu gaari karo amni iyo xasilooni.

Geesta kale, Rajap Dayib Erdogan, ayaa dhinacyada kasoo horjeeda amniga ugu baaqay inay dhistaan dalkooda maadaama dowladu ay dhameysan doonto xiliga uu dastuurku u cayimay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com