Muqdisho (Caasimada Online) – Â Â Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalinta Arbacada ah booqasho rasmi ah ku tago dalka Itoobiya markii ugu horeysay tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.
Safarkaan ayaa imaanayo maalmo ka hor inta uusan furmin shirka London loogu qabanayo Soomaaliya kaasoo ay kasoo qeybgeli doonaan dowladaha dariska, maamulka Goboleedyada, dowladaha daneeyo arrimaha Soomaaliya iyo dowladda dhexe.
Wakaaladda Wararka Turkiga oo soo xiganeyso diblomaasi Itoobiyaan ah ayaa shaacisay inuu Farmaajo halkaas kulan xasaasi ah kula qaadan doono Ra’isulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn. Waxayna ka wada hadli doonaa Arrimo ku saabsan shirka London iyo xiriirka Labada dowladood.
Dowladda Itoobiya ayaa Farmaajo ayaa waxaa ka dhaxeeyey xiriir aad u xun, wuxuuna markaan Farmaajo go’aansaday inuu la fariisto dowladda Itoobiya kadib talooyin badan oo ay siiyeen diblomaasiyiin.
Dowladda Itoobiya ayaa saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, iyadoo xiriir fiican la leh inta badan maamul Goboleedyada ka jiro Soomaaliya, waana midda ku qasabtay Farmaajo inuu booqasho ku tago Addis Ababa oo uu dhawr jeer ka gaabsaday.
Haddaba Shacabka Soomaaliyeed ayaa muujinayo murugo ku aadan safarka Madaxweynaha ee dalka Itoobiya, waxayna shaki ka qabaan safarkaan in dowladad Itoobiya ay faragelin ku sameyso dowladda Cusub.
Sida ay qabaan dadka diblomaasiyiinta ah safarka Madaxweynaha ee dalka Itoobiya wax dhibaato ah kuma jabno, maadaama Itoobiya ay tahay xarunta Midowga Africa, sidoo kalana dhibaato ma keeni karto inay labada dowladood ka hadlaan xiriirkooda.
Midda dhibaatada keeni karto ayaa inuu Madaxweynaha si joogto ah u booqdo dalkaas, isla markaasna uu ku shaqeeyo fikradda Dowladda Itoobiya sida horey looga bartay madaxdii dalka soo martay.
Inuu Madaxweyne Farmaajo la fadhiisto dowladda Itoobiya dan weyn ayaa ku jirto, maadaama ay tahay dowlad saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana khilaaf ka fiican in wadahadal wax lagu dhameeyo si loo badbaadiyo qaramada dalka Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa rajo weyn ka leh inuusan Madaxweyne Farmaajo ku shaqeyn doonin fikradda Dowladda Itoobiya, waxaana laga war sugayaa qodobada ay labada dowladood ku heshiiyaan, maadaama tan iyo markii Farmaajo la doortay uusan wanaagsaneyn xiriirka labada dal.