Madaxweynaha Maamul Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa ka dhawaajiyey inay lagama maarmaan in tahay in dib u eegis lagu sameeyo joogitaanka Ciidamada AMISOM eeSoomaaliya.
Xilli uu ka qeyb galayey shirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadda dalka ayuu madaxweynaha Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, ku baaqay In dib u eegis lagu sameeyo ciidamada AMISOM ee jooga koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Cabdiweli Gaas ayaa wax muhiim ah ku tilmaamay in la yeesho hadaf mieysan oo dhammaan adka isku xiri kara, wuxuuna ka dhawaajiyey in Maamulka Puntland uu diyaar u yahay ka shaqeynta wax waliba oo maslaxad ugu jirto umadda Soomaaliyeed.
Wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamay in la helo ciidan qaran oo ka madaxbanaan siyaasad iyo qabiil, isagoo ballanqaaday in maamulkiisa uu diyaar u yahay ka qaybqaadashada dhismaha ciidamada dowladda iyo mideynta ciidanka.
” ciidamada ajanebiga kama wax qabad roona cidanka Soomaliyeed ee har iyo habeen u heegan ilaalinta sharafta, cisiga iyo karaamada ummaada Soomaliyeed” ayuu yiri madaxweynahe Gaas.
Hadalka madaxweynaha puntland wuxuu imaanaya xilli Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu sheegay in dhowaan la diyaarin doono ciidamadii badalka u noqon lahaa kuwa AMISOM.
Dowladda cusub ayaa qorsheeneyso in la dhiso Ciidamo Soomaaliyeed oo mideysan si looga maarmo joogitaanka Ciidamada AMISOM oo muddo 10 sano ah ku sugan gudaha Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]