Madaxweynaha Ahlu-Sunna oo ilaalo gaar ah kala soo degay Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Ahlu suna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha Maamulka  Gobolada dhexe ee Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka maanta uga furmaya Muqdisho iyaga iyo Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyay ciidamo gaar ah oo uu ugu talo galay sugidda amaankiisa inta uu joogo Magaalada Muqdisho , waxana lagu wadaa in maanta ama bari uu furmo wada hadalka maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Sheekh Shaakir ayaa socdaalkiisu la xiriiraa wadahadal ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Maamulka Galmudug iyo Ahlu sunna oo dowladda federaalka ay dhexdhexaadineyso.

Ahlu Sunna oo lagu casuumay shirka filayay in seddex malin  ka hor uu Muqdisho ka furmo ayaa ka biyo diidaneynd qaabka shirkaas loogu casuumay iyadoo markii hore uu shirka ku casuumay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa inkastoo casuumaadiisa ay ka biyo diiday .

Arrintan ayaa noqoneysa madaxweynihii labaad ee maamul oo Muqdisho u soo kaxeysta ciidamo ilaaliya ammaankiisa, iyadoo uu hore ugu caan baxay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com