Muxuu ahaa buuggii muranka dhaliyey ee uu safiirka Shiinaha siiyey Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ayaa shalay waraaqdii safiirnimo ka guddoomay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiisan doono Soomaaliya.

Haddaba intii ay socotay xafladdii lagu soo dhaweenayey, safiirka cusub ee shiinaha ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo guddoon siiyey buug inta badan muran ka dhaliyey baraha Bulshada.

Dadka ayaa wax iska waydiinayey waxa uu ahaa buugga la guddoonsiiyey Madaxweynaha, waxayna Caasimadda Online isku taxalujisay inay wax badan kasoo ogooto waxa uu ahaa buuggaas.

Buugga la guddoonsiiyey Madaxweyna ayaa magaciisa ahaa  “Xi Jinping: The Governance of China” oo uu qoray hogaamiyaha Dalweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Buugaan ayaa waxaa lagu soo koobay waxyaabihii uu hoggaamiyahaas qabtay  15 November 2012 – 13 June 2014, waana buug xambaarsan farriimo cajiib ah.

Wuxuu buuggaan ka kooban yahay ilaa 79 khudbadood, wareysiyo, Wadahadal, hoggaamin iyo iriiro loo qeybiyey ilaa 18 qeybood, waxaana xusid mudan inuu buuggaan u sameysan yahay qaab casri ah maadaama qodob kasta uu leeyahay tilmaamo ku saabsan hab dhaqanka iyo taariikhda dalka Shiinaha oo lagu tilmaamo inuu yahay adduun kaligiis taagan.

Buuggaan ayaa waxaa laga faa’idi karaa qaabka hoggaamineed ee dalka Shiinaha oo ay kamid tahay habkii ay usoo mareen hormarka ay hadda ku tallaabsadeen, waxaana ku dhex jiro 45 sawir oo ka turjumayo noloshii siyaasadeed ee Xi Jinping.

Buuggaan ayaa asalkiisa lagu qoray luuqadda Shiinaha looga hadlo, balse waxaa markii dambe lagu turjumay luuqadaha kala ah; English, French, Russian, Arabic, Spanish, Portuguese, German iyo Japanese.

Ujeedka uu safiirka u siiyey buuggaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay inuu yahay inuu wax badan ka barto taariikhdaas isla markaana uu ka hirgeliyo gudaha Soomaaliya si uu noloshiisa siyaasadeed horumar uga gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com