Heerkulka magaalada Muqdisho oo meel sare gaaray iyo xaaladda oo….

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xaaladda heer kulka Magaalada Muqdisho ayaa noqday mid aad u sareeyo, waxaana magaalada oo dhan laga dareemayaa kuleel aan horey looga baran.

Inkastoo la rajeenayo inuu dhawan bilowdo xilli roobaadka Soomaaliya, haddana maanta dadka Muqdisho way uga dhuwan tahay maalmihii hore, waxayna dareemayaan xaalad aad halis u ah.

Heerkulka Muqdisho ayaa maanta ah 33° waana heer aad u kuleel ah mana aysan noqon sidaan camal Magaalada muddooyinkaan.

Dadka Muqdisho ayaa kuu sheegayo inay maanta dareemayaan xaalad cusub, waxaana magaalada ka dilaacay shuban biyood, iyadoo isbitaalada Muqdisho la geeyey dad uu soo ritay curudka Daacuunka.

Isbitaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jirto xaalad kacsanaan ah kadib markii la geeyey dad aad u badan oo cudurkaan ku dhacay.

Waxaa dhawaan la filayaa inay Soomaaliya gasho xaalad roob ah, maadaama ay muddo badan ku jirtay xaalad roob la’aan ah oo sababtay abaar ku dhufatay inta badan Gobolada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com