Wasiir Beyle oo amar adag ku soo rogay hay’adaha DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay amar kusoo rogay dhammaan Hay’adaha DFS iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee qabta adeegyada dowladda.

Wasiir Beyle ayaa amar ku bixiyay in Hay’adahaasi ay lacagaha ku shubaan Bankiga Dhexe, waxa uuna tilmaamay in cidii ka weecataa amarka ay sharciga la hortagi doonaan.

Wasiirka waxa uu sheegay inay doonayaan in DFS ay gaarsiiyaan heer ay isku filan tahay waxa uuna cadeeyay in taa lagu gaari karo keliya marka la koontaroolo dhaqaalaha aan DFS ugu dhicin Bankiga.

Wasiir Beyle waxa uu dhammaan dhinacyada uu khuseeyo amarka ugu baaqay inay tixgaliyaan amarka isla markaana aysan dhaliil u bedelin nidaamka lagu soo celinaayo dhaqaalaha dowlada.

Amarkan ka soo baxay Wasiir Beyle ayaa waxa uu saameynta ugu badan ku yeelan doonaa sida Wasaaradaha Ganacsiga, Gaadiidka, Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka iyo howlaha Guud.

Wasaaradaha aan kor kusoo sheegnay ayaa ah kuwa ugu badan ee qabta lacagaha shatiyada iyo adeegyada lagama maarmanka u ah shacabka, waxaana la faray in shacabka doonaya adeegyada loo sameeyo in marka hore lacagaha ku soo shubaan Bankiga Dhexe.

Waxaa kaloo amarkan uu saameynayaa shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya Muqdisho, kuwaasoo qandaraasyo ka heysta dowladda, waxaana ka mid ah shirkada bixisa leesanka iyo taargada, iyo kuwa kale oo lagu amray in wixii hada ka dambeeya aanay qaban karin wax lacag ah.

Wasiirka ayaa ugu danbayn sheegay in dalkeena uu aad uga hooseeyo wadamada Africa, sidaas daraadeedna looga baahan yahay in Dowlada iyo Shacabkuba iska kaashtaan sida dalka loogu abuuri lahaa Keyd dhaqaale, taa oo lagu gaari karo bixinta dhaqaalaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com