Siyaasi ka tirsanaa xirta Xasan Sheekh oo isku soo taagay xilka Galmudug

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa waqti dheer ah lagu daray waqtiga si diiwangeelinta doorashada Madaxweynimo ee Galmudug, kadib markii ay dowladda iyo Maamul Galmudug Heshiis galeen.

Haddaba waxaa xilkaas si lama filaan ah isugu soo taagan mid kamid ah xirtii Xasan Shiikh weliba ahaa xubin weyn oo ka mid ah Damul Jadiid, kaasoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka Galmudug Qabto.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ahaa wasiirkii Arrimaha Gudaha dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyey inuu u sharaxan yahay xilka Madaxweynimo ee Galmudug.

Odawaa oo wareysi siiyey mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa ka dhawaajiyey inuu xilkaas isku soo taagay kadib markii uu arkay inuu xilkaas munaasib u yahay, waxaana la filayaa inuu dhawaan buuxiyo foomka musharixiint Galmudug.

Odawaa ayaa ahaa shaqsigii ka dambeeyey inuu Galmudug Madaxweyne ka noqdo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isna ka tirsanaa Ururka Damul Jadiid inkstoo markii dambe uu xilkaas iska casilay kadib markii uu culeys kala kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka sidoo kalana uu la kulmay xaalad caafimaad oo halis ah.

Haddii uu Odawaa noqdo Madaxweynaha Galmudug, waxay midaas ka dhignaan doontaa inay Damul Jadiid weli awood kusii lahaan doonaan Soomaliya, waxayna midaas ka saacidi kartaa inay doorashada dambe si awood leh isku soo sharaxaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com