Sawirro: Gaas oo ku laabtay Garoowe iyo waddooyinka oo muddo loo xiray

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta dib ugu soo laabtay wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaah maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), oo muddo toddobaad ku maqlaan dalka Ethiopia.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Puntland , afhayeenka baarlamaanka, labada golle ee maamulka Puntland iyo dadweyne fara badan.

Mudane Gaas oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in madaxda dowladda Ethiopia uu kala soo hadlay xoojinta xiriir ka dhexeya labada dhinac iyo in ay iska kaashadahaan dagaalka lagu jirro argagixisada.

Wuxuu sheegay oo kale, in uu booqday xarunta dowlad deeganka Soomaalida ee Ethiopia halkaasoo uu kula kula yeeshay madaxda dowlad deeganka iyo dhammaan dadweynaha magaalada iyo siddoo kale arday ka socota Puntland oo halkaas wax ku barta.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa xusay intii uu joogay Addis Ababa in uu kulamo gaargaar ah la qaatay diplomaasiyiin ka socda caalamka.

201433635294270904858692IMG_0666

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyay saakay, waxaana meel kasta lagu arkayay ciidamo fara badan.

Waxaa sheegis mudan in madaxweynaha Puntland intii uu ka soo dagayay garoonka la xiray waddooyinka magaalada isla markaana la joojiyo isku socodadka iyo gaadidka sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe.

1

3

4

201433635294271823135746IMG_0684

201433635294270904858692IMG_0666

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com