Labo musharrax oo isugu soo haray doorashada maamulka 6-da gobal

Baydhabo (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo dhammaatay doorashada wareegii labaad ee maamulka loo dhisaayo lix gobal oo ku yaalla Koonfur Galbed ee dalka.

Wareega labaad waxaa isugu soo haray Madoobe Nuunow Maxamed iyo Siyaasiga Maxamed Aadan Fargeeto.

Wariyaha Caasimada Online ee Baydhabo ayaa soo sheegay in wareega labaad uu tanaasul muujiyay guddoomiyihii horre ee gobalka Baay Geeseey.

Waxaa goordhow la billaabi doonaan wareega seddaxaad ee doorashada maamulka ka kooban lix gobal,

Faah-Faahin dheeraad ah kala soco Caasimada Online oo wariye uu u jooxo xarunta ay doorashada ka socoto ee ADC-da oo ahayd xaruntii baarlamaankii dowladdii KMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed Baydhabo.