Xog: Gudoomiye Mungaab oo ceyriyay askar waardiyeeneysa in muddo ah

Muqdisho (Caasimada Online) Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa muujinaya in guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Maxamed Xuseen (Mun-gaab) uu shaqada ka cayriiyay askar ilaalo u ahayd tan iyo markii uu ahaa guddoomiyihii maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ciidamadan in la ceyriyo ayaa sabab u ah markii la ogaaday in ay khaarijin rabaan Gen Mun-Gaab sidda ay lee yihiin ilaha aan ka soo xignay warkan.

Ilaa hadda kama hadlin Gen Mungaab ciidamadan uu shaqada ka ruseeyay kuwaasoo la shaqeenaayay tan iyo markii uu ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidamada sanandkii 2010-ka.

Mugaab oo ka hadlaayay maanta kulan lagu taageerayay xilka loo magacaabay ayaa sheegay in uu amniga magaalada Muqdisho uu ku qaban doono gacan bir ah, isla markaana maalamaha soo socda loo kala bixi doono Bur iyo Biyo sidda uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com