Wafdi DF ay u dirtay Baydhabo oo fara marnaan ku soo laabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa dib ugu soo laabtay galabta galinkii dambe wafdi wasiirro ah oo dowladda ay u dirtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, halkaasoo uu ka socdo labo shir oo iska soo horjeedo.

Wasiirka xannaanada xoolaha, Dr. Saalim Caliyow Ibrow oo hoggaaminayay wafdiga gaaray Baydhabo, ayaa BBC u sheegay in ay la kulmeen ergooyinka ku howlan dhismaha dhismaha labada maamul ee la doonayo in loo dhiso gobalada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay in u jeedka ay u tageen Baydhabo aaney ahayn in ay joojiyaan shirarka ka socda Baydhabo balse ay doonayeen in ay dhageestaan  ergooyinka ku howlan dhismaha maamulkaas.

Wuxuu rajo xumo ka muujiyay shirarkaas ka socda Baydhabo isagoona intaas ku daray in labada dhinac ay ka go’an tahay siddii ay u hirgali lahaayeen labada maamul.

Labada shir ee ka socda Baydhabo mid ka mid ah waxaa lagu dhisayaa maamul lix gobol ka kooban halka mid kale la rabo in maamul loogu dhiso saddex gobol.

Ilo xog ogaal ayaa u sheegay Caasimada Online in wafdiga dowladda ay u dirtay Baydhabo ay tageen magaalada iyadoo ay hadleen musharrixiinta u taagan maamulka ka kooban lixda gobal.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa horrey walaac uga muujisay shirarka iska soo horjeedoa ee ka socda Baydhabo.

Maalinta berri sidda qorshaha uu yahay waxaa la dooran doonaa madaxweynaha cusub ee maamulka ka kooban lixda gobal ee kala ah, Baay, Baydhabo, Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.

Caaasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com