Madaxweyne Geelle oo seddex arin oo muhiim u ah kala hadlay Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Jabuuti ee caasimada dalkaasi ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu dhex maray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iy kaaliyaha arrimaha dibadda Mareykana u qaabilsan Africa.

Tibor P. Nagy, oo Safar ku maraya dalalka Geeska Africa ayaa madaxweyne Geelle kala hadlay seddex arin oo ay kamid tahay isbadalka Geeska Africa oo dowladaha Soomaaliya, Ethiopia iy Eritrea ay hormuudka ka yihiin.

Ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya iyo dagaal xuduudka u dhaxeeyay Eritrea iyo Jabuuti ayaa qeyb ka ahaa waxyaabaha labada masuul ay ka wada hadleen, waxaana madaxda Jabuuti ay sheegeen in wanaag uu kusoo dhamaaday Shirka.

Dowladda Mareykanka ayaa il gaar ah ku heysa isbadalka Geeska Africa oo dowladaha Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia ay wadaan, maadaama Mareykanka uu dagaal dhaqaale kula jiro Dowladda Shiinaha oo saameyn ku leh geeska Africa.

Jabuuti Ciidamo ka socda kuna howlgala Magaca AMISOM ayaa ku sugan Bartamaha Soomaaliya, waxaana wararka ay sheegayaan in ballanqaadyo lagu hormarinayo Ciidankaas ay ka heleen Mareykanka.

Dowladaha Sudan, Kenya, Uganda iyo Jabuuti ayaa doonaya dhankooda inay qeyb ka noqdaan isbadalka geeska Africa, waxaana madaxda dalalkaasi ay kulamo la qaateen madaxda dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia, si qeyb kaga noqdaan isbadalka geeska Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com