Madaxweyne isma qabato ee kala daa “Halgamaa iyo halgankiisuba waa xaaraan, taaladiisuna waa xalaal”

Waxaa ka mid aheyd taallooyinka laga taagey magaalada Muqdisho midda halgamaa Axmed Gurey AUN oo ciidamadiisu ay ku dhowaadeen xuduudda Itoobiya ay la leedahay dalka Suudaan asagoo ka duuley nawaaxiga gobolka Awdal.

Taallo halgamaa marka goob la surayo waxaan aheyn jiilasha koraya In halagamayaashaas ay ku dayasho u noqdaan wax ka baxsan oo macno ah oo ku jira ma garan karo, haddii ay taas tahay Halgamaa Axmed Gurey wuxuu halgankiisu salka ku hayey In dhulka Itoobiya la yiraahdo laga xoreeyo xabashadii gaalada aheyd.

Haddaba waxaa halgankaas iska dhaxley jiilal badan waxaa ugu danbeeyey ururka ONLF oo u halgameyey kaliya Gobonimo gaarsiinta gobol ay xabashidu Xoog ku heysato oo laga yaabo waagaas intiisa badan inuu xor ahaa. Madaxwyne Farmaajo oo maanta taalladii Axmed Gurey oo bir ka samaysan qarash badanna ku baxey samaynteeda noo surey KM4, sow ma ahan ninkii xukuumaddiisu ay ku tilmaantay ururkii Gobonimo u dirarka ahaa (ONLF) ee dhaxalkii Axmed Gurey sii waday inuu yahay argagixiso oo illaa hadda xukuumaddiisu ay u aqoonsan tahay? sow ma ahan kii u gacan geliyey dawladda Ethiopia mid ka mid ah halgamayaashii saraakiishii sare ee Ururkaas waa C/kariim Qalbi Dhagax ayadoo laga dhoofiyey isla magaalada Muqdisho oo taalada Axmed Gurey laga taagey.

Haddii uu Axmed Gurey noolaan lahaa asagoo halgankiisa sidii u sii wada sow asagoo indhaha ka xiran, jeebeysan, jirdil loo geystay, dadka Soomaaliyeed ka daba-qayliyaan looma gacan galiyeen kuwii uu la dirirayey, maxey macno samaynaysaa taallo dhagax ka samaysan oo meel la suro haddii ficilkaadu uu beeninayo taala-suridaada?

Itoobiyadii halgamayaashaas ay hortaagnaayeen maantay ayada ayaa ciidankeedii dawlad goboleedyada loo adeegsanayaa, magaalooyinka qaarkoodna ay dad ku laynayaan, qaarna ay sigeen sida Jubaland oo ciidamo kumaandoos calooshood u shaqaystayaal Itoobiyaan ah la doonayey in loo adeegsado In ay soo jeebeeyaan madaxwyne Axmed Madoobe sidii ay u soo jeebeeyeen Mukhtaar Roobow.

Madaxweynuhu wuxuu jiilasha Soomaaliyeed u dhigey cashar cinwaankiisu yahay “halgamaa waa dhiibis, ururkiisuna waa argagixiso, haddii loo baahdana Taallo waa suris”, waxaan Madaxweynaha kula talin lahaa inuu meel isku raaco, isma qabato halgamaa iyo halgankiisu waa xaaraan, taaladiisuna waa xalaal!!

Haddii xaalku sidaas yahay taalooyinka xiga kuwaan hadda la taagay waa badda & Shidaalka Soomaaliya oo la xaraashay, madaxda dawladuna ay noo shidaan heesihii gobonimo doonka, xoogagga wadaniyiintuna ay sax weeye sax weeye sawaxan ah dhegaha nooga jabiyaan, qaaqlayaashiina ay dhalleeceeyaan ciddii arrimahaas ka hadasha!

W/Q: Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid