Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ” Aniga iyo Xaaf wan heshiinay, waxaan leeyahay…”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo dhawaan uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo heshiisiiyey Madaxda ugu sareyso Galmuudgo oo is khilaafsanaa ayaa waxaa arrintaas markii ugu horeysay si rasmi ah u xaqiijiyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Wuxuu Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ay heshiis ka gaareen khilaafkii Siyaasadeed ee u dhaxeeyay labadooda iyo guud ahaan hoggaanka sare ee Galmudug isla markaasna wuxuu si rasmi ah u sheegay inay meesha laga saaray Khilaafkii jiray wax kastana la iska fahmay.

Khilaafkaan oo ahaa mid si weyn looga dareemay deegaanada Galmudug ayaa kasoo biliowday go’aankii uu Madaxweynaha Galmudug ka qaatay Khilaafka dowladaha Khaliijka isagoo si cad u sheegay inuu la saftay dalka Imaaraadka Carabta taasoo u cuntami weysay Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isku dhinac ahaa.

Haddaba labadaan mas’uul  waxa ay Jabuuti uga qeybgelayaan Shirka Ahlu Sunna iyo Galmudug,kaas oo shalay ka furmay Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ay bishii August is khilaafeen ku xigeenkiisa,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug,waxaan arrintaas dhalisay in qolaba dhinaceeda u sheegto in ay xilka ka qaadday qolada kale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay isaguna in uusan jirin khilaaf u dhaxeeya Madaxda Galmudug waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo uu sheegay in uu taageerayo wixii ka soo baxa.

Maamulka Galmudug ayaa qalqal siyaasadeed ku jiray muddo bilooyin ah, waxana hadda muuqato inay soo dhamaatay howsha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com