Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa si adag uga hadlay tahriibta dhalinyarada Soomaaliyeed oo bilhii dambe si weyn usoo badatay, isagoo shaaciyay arrin uu sameeyay, taasoo dhalisay fal-celin xooggan iyo in dadka qaarkood ku dhalleeceyaan.
Lugatoor ayaa sheegay in Wiil uu dhalay Walaalkiis uu tahriibay, isla markaan uu diiday in uu ka dhiibo lacagta madax furashada ah ee Wiilka Adeerka u yahay loo haysto, taas oo uu ku tilmaamay mid cashir u noqoneysa dhalinyarada ka dambeysa.
“Walaalkey mid uu dhalay ayaa tahriibay, dhaar baan ka maray in aan shilin ku bixiyo. Sidaas darteed, waxaan soo jeedinaynaa in qof kasta oo ka yar 40 jir aan la siin Baasaboor haddii ujeedkiisu yahay tahriib,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.
Lugatoor ayaa si weyn u dhaliilay waalidiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, isagoo ku eedeeyay inay door weyn ku leeyihiin tahriibinta carruurtooda, oo halis u geliyay naftooda sidii ay u gaari lahaayeen waddamada Yurub.
“Waalidiin badan ayaa ku taageera ilmahooda safarka halista badan ee tahriibka, isla markaana bixiya madax furasho haddii carruurtu u gacan galaan kooxaha dadka tahriibiya,” ayuu yiri Lugatoor.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa si adag uga digay tahriibka sii kordhaya, iyadoo maamul ahaan uu sheegay in aan wax madax furasho ah laga bixin doonin qof kasta oo naftiisa halis u geliya safarka sharci darrada ah ee tahriibka.
Hadalka Lugatoor ayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland si kala duwan uga fal-celiyeen, iyagoo qaarkood Madaxweyne ku-xigeenka ku dhaliilay in uu ku faano inuu furdaamin waayey Wiilka uu Adeerka u yahay, oo naftiisa halis u galiyay inuu helo nolol ka fiican midda taalla dalka.