Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somalia oo ku geeriyooday USA

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dalka Mareykanka uu ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeen iyo taliyaha guud ee ciidanka Somalia General Maxamed Cali Samatar.

General Maxamed Cali Samatar, ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladii dhexe ee Somalia, waxa uuna baryahaani danbe ahaa mid la itaal daran xanuun.

General Maxamed Cali Samatar, ayaa khibrad fog u lahaa howlaha la xiriira Siyaasada iyo Ciidanka waxaana la aaminsan yahay in xiligii hore uu waxbadan ka qabtay Siyaasada iyo howlaha ciidamada.

General Maxamed Cali Samatar, ayaa waayadaani ku jiray isbitaal ku yaala magaalada Virginia ee dalka Mareykanka halkaas oo uu xalay ku geeriyooday.

Geerida General Maxamed Cali Samatar, ayaa lama filaan ku noqotay Umadda Soomaaliyeed maadaama uu waxbadan u qabtay dalkiisa tan iyo markii ay jirtay dowladii dhexe.

Geesta kale, Ehelada Marxuum ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay geerida ku timid alle ha u naxariiste Maxamed Cali Samar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com