Xog: $1,375,000 oo si farsamo ah loo dhici rabo iyo BFS oo fahmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada BF Soomaaliya ee xilligoodu sii dhammaanaya oo is-weydiinaya cidda maamuleysa qarashka diiwaangelinta.

Hadal haynta ugu badan ee baryahan ka jirta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqotay cidda maamuleysa lacagta 5-ta kun dollar ee lagu diiwaan gelinayo 275-ta Xildhibaan ee ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

“Xildhibaan walba marka laga qaado $ 5,000 isu geyn lacagtaas waxeey noqoneysaa $1,375,000, su’aashu waxeey tahay yaa lacagtaas maamulaya.?” Ayuu yiri Xildhibaan Maxed C/qaadir Faarax oo ka tirsan BF Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in Xildhibaanada Baarlamaanka looga baahan yahay in ay meel saaraan.

“Soo xulista Xildhibaanada cusub maadaama ay ku lug leeyihiin madaxda hadda joogta waxaa jirta cabsi ay qabaan Xildhibaanada doonaya in ay soo laabtaan, kuwaasoo ka fogaanayaan inay abuuraan xasarad iyaga hadhow saameyn ku yeelan karta” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed C/qaadir, wuxuuna intaasi raaciyey in aysan muuqan ififaalo Xildhibaanadu ay ugu midoobayaan danta & maslaxada shacabka ay metelayaan.

Walaac ay Xildhibaanadu qabaan ayaa la xiriira in lacagahaasi ay galaan gacanta Madaxweyne Xassan Shiikh & R/wasaare Cumar C/rashiid Cali oo ka mid ah xubnaha musharixiinta tartamaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com