Somaliland oo isku khilaafsan ka faa’iideysiga labada aqal ee DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Madaxda maamulka ay isku khilaafsan yihiin qaabka uu maamulka uga faa’iideysan lahaa labada aqal ee dowlada Somalia.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa soo jeediyay in Siyaasad ahaan ay ka faa’iideystaan Aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamaanka Somalia.

Axmed Siilaanyo, ayaa sheegay inay mudan tahay in Somaliland ay ka faa’iideystaan labada aqal, kadib markii uu sheegay in xubnaha labadaasi aqal ay ka heleen goor waliba ay si dadban u qaadan doonaan.

Siilaanyo waxa uu sheegay in Siyaasada Somaliland ay tahay inay ka go’do Somalia inteeda kale, balse markii la eego tan guud ay wali qeyb ka yihiin Somalia.

Waxa uu tilmaamay in qaadashada labada aqal aysan ka turjumeynin inay ka laabteen go’aanka gooni isu taaga, balse uu arrinkaasi u arko inay tahay laba Siyaasadood oo kala duwan.

Qaar kamid ah Golaha Wasiirada iyo Xubnaha ugu miisaanka culus Madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa dhankooda kasoo jeediyay inay ka madaxbanaanaadan arrimaha la xiriira labada aqal iyo guud ahaanba Siyaasada Somalia, si caalamka ay ugu muujiyaan in Somaliland ay ka go’an tahay qorshaha ku aadan inay ka baxaan Somalia.

Waxa ay soo jeediyeen in Xubnaha labada aqal ay ka faa’iideystaan Siyaasiyiinta kale ee ku sugan magaalada Muqdisho, balse aysan faragalin Siyaasadeed ku dhex yeelan aqaladaasi.

Waxa ay sidoo kale, soo jeediyeen in si dadban xiriiro hoose loola sameeyo Siyaasiyiinta si aan loo dayicin kaalinta balse ay iska ilaaliyaan faragalinta tooska ah.

Somaliland ayaa dooneysa inay ka go’do Somalia inteeda kale, iyadoo caalamka ku indha sar caadineysa gooni isu taageeda, waxaana jira xiriiro qarsoodi ah oo Somaliland kala dhexeeya dowlada Somalia, marka laga soo tago Siyaasada ku xeeran gooni isu taaga.

Dowlada Somalia ayaa muujineysa inaysan ahmiyad gaar ah siinin maamulka Somaliland, bacdamaa caalamku uu kasoo horjeedo gooni isu taaga Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@liv.com