QM oo xubnaha madasha qaranka usoo dirtay farriin aysan fileynin.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha amaanka QM ayaa si adag kaga soo horjeestay go’aanka ay Hogaamiyayaasha Madasha Qaran ee Soomaalida ku dib dhigeen doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka Somalia.

Madaxweynaha Golaha amaanka QM, ahna Safiirka dowlada Maleysia u fadhiya xarunta QM Ramlaan Bin Ibrahim, ayaa sheegay inay ka niyad jabeen go’aanka ay Hogaamiyayaasha Soomaalida ay dib ugu dhigeen doorashada.

Ramlaan Bin Ibrahim, waxa uu sheegay inaysan fileynin in dib u dhac sidaa oo kale lagu sameyn doono doorashada Somalia, waxa uuna tilmaamay inay aad uga xun yihiin dib u dhaca iyo Jadwalka cusub.

Shirkaani oo ka dhacay Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday xasiloonida iminka ka jirta Somalia, marka loo eego xili hore waxa ayna dowlada Somalia ku amaaneen talaabada ay horay u qaaday, balse waxa ay dhaliil adag ka muujiyeen Jadwalka cusub ee doorashada Somalia.

Danjiraha Britain u fadhiya Golaha Ammaanka ee QM, Ambassador Matthew Rycrift, ayaa isna sheegay in Hogaamiyayaasha Soomaalida ay Siyaasada kusoo biiriyeen waxyaabo ku cusub isla markaana dhagafaar ku ah, waxa uuna dhankiisa ka sheegay inay aad uga careysan yihiin go’aanka lagu dib dhigay doorashada Somalia.

Matthew Rycrift, waxa uu sheegay inay filayeen in Somalia ay ka gudbeyso dib u dhacyada, balse ay aad uga naxeen goortii ay maqleen dib u dhaca ku imaaday doorashada.

Geesta kale, Madaxweynaha Golaha amaanka QM, ahna Safiirka dowlada Maleysia u fadhiya xarunta QM Ramlaan Bin Ibrahim iyo Ambassador Matthew Rycrift, ayaa si wada jir ah uga digay in dowlada Somalia ay mar kale ku dhiirato dib u dhac ku yimaada doorashada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com