Xog: Turkiga oo wadahadal hoose la furay Mareykanka & Gulen oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa bilowda wadahadalo gaar gaar ah oo ay la fureyso dowlada Mareykanka kadib markii ay ku adkaatay inay gacanta ku dhigto wadaadka meylka adag ee lagu magacaabo Fatxullaah Gulen kaasi oo lahaa fekirkii lagu afganbin lahaa dowlada Erdogan.

Wadahadalka sida hoose u socda ayaa waxaa hor boodaaya Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada dalka Turkiga kuwaasi oo qorsheynaaya in Dowlada Mareykanka ay qaabab kale uga dhaadhiciyaan soo dhiibista Fatxullaah Gulen.

Wadahadalkaani hoose ayaa waxa uu is fahan hoose usoo dadajiyay dowlada Mareykanka oo iyadu la’eeyd meel ay kala jaanqaado dowlada Turkiga oo Siyaasad ahaan iska fogeysa dowladaha reer galbeedka.

Dowlada Mareykanka ayaa adkeyneysa in dowlada Turkiga ay u gacan galiso Fatxullaah Gulen, iyadoo taasi ku fududeyneysa Siyaasadao gaar ah oo kaga xiran dalka Turkiga oo dhowr jeer lagu eedeeyay inay naas-nuujineyso Xubno lidi ku ah danaha reer galbeedka.

Dowlada Turkiga ayaa gacan galinta Fatxullaah Gulen ku xujeeneysa helida xogo ku aadan xubnaha ahmiyada gaarka ah u leh ee gacanta ugu jira dowlada Turkiga.

Is fahankaani Siyaasadeed ayaa albaabada u furi doona is dhexgal dhanka labada dal oo in badan lagu guul dareystay qaabka ay isku dhexgali lahaayen.

Fatxullaah Gulen, ayaa iminka ku jira gacanta dowlada Mareykanka gaar ahaan dhinacyada Amaanka oo iyagu si gaar ah u ilaashanaaya wadaadkaasi xagjirka ah.

Fatxullaah Gulen ayaa ugu danbeyntii gali doona gacanta dowlada Mareykanka waa haddii wadahadalka uu kusii socdo qaabka iminka uu ku bilowday.

Danaha gaarka ah ee dowlada Mareykanka uga xiran Turkiga ayaa salka ku haya Xubnaha argagixiso ee la tuhunsan yahay in dowlada Erdogaan sida dadban u naas-nuujiso iyo arrimaha ku xeeran Syria oo garab dadban ka heleysa dowlado ay koow ka tahay Turkiga.

Lama saadaalin karo biya dhaca is fahanka labada dowladood ee iminka bilowday, waxaase muuqaneyda in Fatxullaah Gulen uu ugu danbeyntii gali doono gacanta Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@liv.com