Soomaalida ku nool Paris oo arrin xasaasi wajahaya kadib go’aan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Faransiiska waxay si khasab ah uga saareen Qaxooti tiradooda u dhexeyso 800 ilaa 900, kuwaasi oo ku sugnaa 3 Xero Qaxooti oo ku taalla deegaanadda W/bari ee magaalladda Paris.

Qaxootiga la daad-gureeyey waxaa ku jiray ku-dhawaad 70 Haween iyo Carruur, kuwaasi oo muhiimadda koowaad la siiyey si loo daad-gureeyo.

Qaxootigaas oo ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Sudan, Eriteria iyo Afganistan ayaa loo kaxeeyey Saldhig Bolis si mid kasta loo qiimeeyo Xaalladiisa iyo in lagu hago si ay u raacaan horumarka laga gaaro dacwadahooda.

Dhowr isbuuc ka hor, Duqa magaalladda Paris, Anne Hidalgo ayaa sheegtay inay suurtogal tahay in go’aan laga gaaro in la helo hal goob Samafal ama in ka badan si loo dejiyo dadka aan Dukumentiga Lahayn (Undocumented people).

Waxaa lagu qiyaasaa ku-dhawaad 70 ilaa 80 qof oo aan wax Dukumenti lahayn ayaa maalin kasta soo gaara caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Tan iyo bishii July ee sannadkan, Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi waxay qaadeen dhowr Hawlgal oo lagu burburiyey Xerooyin Macmal oo ay Qaxooti badan ku noolaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com