Xog: OBAMA oo marti-gelinaya shir Soomaali badan saameynaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama ayaa la filayaa inuu bisha soo socoto ee September marti-geliyo Shirweyne looga hadlayo Dhibaatooyinka haysta Qaxootiga ku dac-daraysan Daafaha Caalamka.

Shirweynahaasi waxaa lagu lafa-guri doonaa xaalladaha Adag oo ay Qaxootigu ku sugan yihiin, iyadoo Xeradda Dhadhaab ee W/bari Kenya tahay tan ugu ballaaran Caalamka.

Madaxweyne Obama oo bishii June Khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxay ka wada hadleen qorshaha lagu xirayo Xerada Dhadhaab.

Hadal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka, ayaa lagu sheegay inay Labada Madaxweyne isku waafaqeen inay Maraykanka iyo Kenya si dhow isagala shaqeeyaan Arrintaasi iyo in la hubiyo baahida Qaxootiga.

Saraakiisha Kenya waxay sheegeen bishii May ee sannadkan inay xiri doonaan Xerada Dhadhaab oo hoy u ah ku-dhawaad 350,000 qof oo badankooda ah Qaxooti Soomaali ah.

Bishii July, QM waxay soo werisay in 95% Qaxootiga ku jira Xerada Dhadhaab ka yimaadeen Somalia.

Guddoomiyaha Ururka Soomaalida-Bantuga ku nool magaalladda San Diego ee dalka Maraykanka (The Somali Bantu Association of America in San Diego, Saciid Cabdiyow ayaa sheegay inuu Qoraalo Emails u kala diray Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Dabjiraha Maraykanka u jooga Kenya iyo QM, wuxuuna walaac ka muujiyey go’aanka ay Dowladda Kenya ku xirayso Xerada Dhadhaab.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimha Qaxootiga (UNHCR) waxay dabayaaqadii bishii June ee la soo dhaafay codsatay lacag dhan 115 million oo Dollar qorshe 150,000 oo Qaxooti Soomaali dib loogu celinayo dalkooda hooyo dabayaaqada sannadkan 2016.

Si kastaba ha ahaatee, Qorshaha Kenya ku soo celinayo Qaxootiga Soomaalida dhamaadka sannadkan ayaa u muuqda Qorshe caqabad ku noqon kara Qaxootiga ku laabanayo Somalia oo haatan ah Waddan aysan ka jirin Xasilooni Buuxda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com