Sawirro: Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh, Maxbub iyo Afey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay wafdi uu horkacayo Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Eng. Maxbuub Macallin.

Kulankan ayaa waxaa looga hadley qabanqaabada Shir Madaxeedka wadammadda IGAD ee bisha soo socota lagu qaban doono magaalada Muqdisho, arrimaha amniga, siyaasadda, dhismaha maamulka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha ee hay’adaha caalamiga iyo IGAD ka fulinayaan Soomaaliya iyo iskaashiga arrimaha horumarinta ee labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa wafdiga uga warbixiyey xaaladda dalka, diyaargarowga Shir Madaxeedka IGAD, horumarka dhinaca siyaasadda iyo amniga ee lagu tallaabsadey iyo qabanqaabada doorashada 2016.

Labada dhinac ayaa isku afgartey dhammaan qodobadii ay ka wadahadleen, iyadoo Xoghayaha Guud ee IGAD Eng. Maxbuub uu sheegay inay IGAD si buuxda u taageereyso Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada muhiimka u ah xilliga kala guurka.
Xasan 1

xasan 2

xasan 3

–DHAMMAAD–

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com