Sheekh Shariif oo ka faa’iideystay khilaafka Xasan Sh. iyo Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo madaxbanaan ayaa sheegaya in kulankii magaalada Kambala ku dhexmaray Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/kariin Guuleed uu ka dhashay natiijo raja galisay Sheekh Shariif.

Wararku waxa ay sheegayaan in C/kariin Guuleed uu Sheekh Shariif uga xog waramay halka uu maraayo khilaafka kala dhexeeya Xassan Sheekh, waxa uuna cadeeyay in khilaafkaasi uu daba socdo khilaafyo horay.

Guuleed ayaa Sheekh Shariif u sheegay in maskax ahaan uusan Xassan Sheekh fadhin isla markaana ay ka awood badatay Siyaasada, sidaa darteedna uu ugu gaabiyay xiriirkii kala dhexeeyay.

Sheekh Shariif ayaa dhankiisa ka sheegay in warbaahinta qaar uu ka arkay wararka sheegaaya khilaafkooda waxa uuna tilmaamay in Siyaasada africa aysan laheyn saaxiibtinimo joogta ah.

Sheekh Shariif ayaa Guuleed u sheegay inuu yahay musharax doonaaya in lagu taageero ololihiisa si uu u guuleysto isla markaana uu talada dalka gacanta ugu dhigo.

Kulanka sheekh Shariif iyo Guuleed ayaa u muuqday mid Madaxweynihii hore ee Somalia uu taageero kaga raadsanaayo C/kariin oo isaga Siyaasad ahaan khilaafsan Xassan Sheekh.

Sidoo kale, kulanka labada mas’uul ayaa waxaa ku jiray qodobo gaar ah oo laga qariyay Saxaafadda kaasi oo salka ku haya Heshiis dhexmaray labada mas’uul.

Si kastaba ha ahaatee, Sheekh Shariif ayaa u muuqanaaya inuu ka faa’iideysanaayo khilaafka ka dhexeeya Xassan Sheekh iyo C/kariin Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com