Xog: Beesha caalamka oo Xasan ku tuhunsan arrin argagax leh..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ee deegaanka ku ah Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ka didsan yihiin Siyaasada Madaxweynaha xilka kasii dagaaya Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa soo baxaaya walaac laga qabo in Madaxweynaha uu ku kaco falal amni darro oo lagu qalqal galinaayo xasiloonida dalka.

Kulan saacado qaatay oo ka dhacay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay xaalada amni darro ee magaalada Muqdisho, Doorashada iyo qalqalka amni darro ee heysta Musharaxiinta u taagan doorashada Somalia.

Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, waxa ay kulankaasi kusoo hadalqaaden suuragalnimada in Madaxweynaha Somalia ahna musharax u taagan doorashada dalka uu qeyb ka noqdo amni darada ku soo fool leh magaalada Muqdisho, waxa ayna si toos ah uga wada hadleen in Xassan Sheekh qudhiisa uu qalqal galinkaro amniga musharaxiinta si aan loogu cariirin doorashada.

Waxa ay Wakiiladu sheegen in dhowr siyaabood ay sababi karto in Xassan Sheekh uu caburin iyo carqaladeynba ku sameynkaro Musharaxiinta waxa ayna garwaaqsadeen in Xassan Sheekh sida uu mar kale ku heli lahaa Madaxtimada uu u adeegsan doono falal lid ku ah musharaxiinta.

Wakiiladu waxa ay sheegen in Xassan Sheekh ay suuragal tahay inuu sameeyo weeraro lagu qalqal galinaayo amniga Musharaxiinta amaba lagu ugaarsan doono goobaha ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho, si ay isaga cararaan dalka.

Waxyaabaha ay tusaalaha usoo qaaten ayaa waxaa kamid ahaa mamnuucida in Musharax lagu soo dhaweeyo Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho iyo in Musharaxiinta laga hor istaagay inay shirar ololo ah ku qabsadaan Hoteelada, labadaasi qodob oo muujineysa in Xassan Sheekh uu qorsho gaar ah la maagan yahay Musharaxiinta.

Wakiiladu waxa ay walaac ka muujiyeen Siyaasada Aamusnaanta leh ee Xassan Sheekh waxa ayna iminka wadaan qorshooyin lagu kala badbaadinaayo Xassan Sheekh iyo Musharaxiinta.

Walaaca ugu badan ayaa ah in Xassan Sheekh uu weeraro u maleego Musharaxiinta la tartameysa kuwaasi oo iminka ka fiigsan qorshooyinka qarsoodiga ah ee uu Xassan wado.

Si kastaba ha ahaatee, Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia ayaa lagu wadaa inay la imaadan qorsho ka dhan ah Xassan Sheekh oo lagu kala badbaadinaayo Madaxweynaha iyo Musharaxiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com