Xasan oo si maldahan uga hadlay arrinta looga shakisan yahay..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay shakiga ka taagan in Guddiyada qaabilsan doorashada ku kacaan falal musuq maasuq muujinkara oo dhanka doorashada ah.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowladiisu aysan ka aqbali doonin Guddiyada inay ku kacaan fal shaki galinkara dadka u sharaxan doorashada.

“Guddiyada doorashada caddaalad ha ugu shaqeeyaan Musharixiinta ma aqbali doono inay u kala hiiliyaan dadka u taagan doorashada”
Waxa uu sheegay inay dhicikarto in Guddiyada ay garab boodaan dhinacyo gaar ah, hayeeshee uusan garaneynin si uu ku aqbalo go’aanada ceynkaasi ah.

Waxa uu ka digay in Guddiga ay ku tagri falaan awooda ay u hayaan Qaranka waxa uuna ku baaqay in dhex dhexaad ay ka noqdaan howlaha doorashada.

Dadka intiisa badan ayaa qaba in Guddiyada doorashada dalka ay ku imaaden rabitaanka Xassan Sheekh isla markaana laga cabsi qabo inay u hiiliyaan Madaxweynaha wakhtiga uu kasii dhamaanaayo.

Haddalka Xassan Sheekh waxa uu imaanayaa iyadoo magaalada Muqdisho leysla dhexmaraayo in Xassan Sheekh oo xili hore ka fekiray qaabka uu kusoo laaban lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com