CC oo nin ay isku beel yihiin si sir ah ugu magacaabay xilkii BURCI

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa si qarsoodi ah u nin ay isku heyb yihiin u magacaabay xilka Wasiiru dowle bii’ada ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Bii’ada ayuu Cumar C/rashiid u magacaabay nin lagu magacaabo Saacid, iyadoo xilkan uu ka geeriyooday Marxuum Burci Maxamed Xamza oo ay qeyb ahaan u lahayd Beesha Shanaad.

Waxaa la yaab lahayd in Ra’iisal wasaaraha aanu rasmi ahaan u shaacin magacaabidda xilkan, balse agu hoos qariyay magacabaidda Duqii hore ee Muqdisho Xasan Muungaab oo noqday wasiiru dowlaha wasaaradda Cadaaladda.

Saacid oo lala dhaarinayo Muungaab
Saacid oo lala dhaarinayo Muungaab

Waxaa xilkan cusub laga war helay markii wasiiru dowlaha Cumar C/rashiid magacaabay iyadoo lala dhaariyay Xasan Muungaab maalintii Khamiistii ee 11-ka August.

Ma jirin wareegto uu ra;iisal wasaaraha soo saaray oo lagu magacaabay wasiiru dowlahana cusub, mana jirin ogolaasho uu siiyay Madaxweyne Xasan sida lagu xalaaleeyay magacaabidii Muungaab, laakiin waxay ahayd hoos gelis uu meel marsaday Cumar C/rashiid oo beel dhan xaqeedii dowladnimo lagu dhacay.

Nin la dhashay Allaha u naxariistee Burci Maxamed Xamza oo jagadan loo bandhigay ayaa ka cudurdaartay, taasoo keentay inuu ka faa”iideyso ra;iisal wasaaarhaa ku jira xilliga kala guurka.

Xilka wasiiru dowlayaasha ayaa hore ugu dhisnaa qaabka 4.5, waxayna arrinta uu ku dhaqaaqay ra;iisal wasaaraha si weyn uga carooday beesha shanaad iyo beesha uu ka soo jeeday Allaha u naxariistee Burci Maxamed Xamza.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Saacid kasoo jeedo beelaha yaryar ee reer Mudug.

Xilliyada kala guurka ah ayaa caadiyan la arkaa in madaxda sare ay ku takri falaan awoodda iyadoo dad ay ehel iyo saaxiibo yihiin xilal badan ku taxa si ay uga faa’iideystaan inta la dhisayo dowlada cusub oo waqti dheer qaadata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com