Sawirro: Shirkad Mareykan ah oo soo saareysa gaari keligii is wada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada lagu magacaabo Uber ayaa markii ugu horeysay ogolaan doonta in dadka macaamiisheeda ah ay isticmaali karaan baabuur iswadaysa.

Shirkada Uber waxa ay sheegtay in gaadiidkaasi ay kusoo saari doonto muddo laba toddobaad gudaheed, iyadoo sheegtay in milkiilaha gaariga uu ka maarmi doono in gacantiisa uu ku wado gaariga.

Uber ayaa sheegtay in lagu bilaabi doono Pittsburgh, Pennsylvania ee Maraykanka. Waxay intaas ku dartay inay iskaashanayaan Volvo.

Shirkada Uber, ayaa soo saarida gaarigaani cusub ee cajiibka ah sheegtay laba sanno ka hor, iyadoo dadka macaamiisha ah ku wargalisay inay soo saareyso gaari isaga is wadi doona.

Sidoo kale, in ka badan hal milyan oo qof ayaa wadda baabuurta Uber, laakiin si toos ah shaqaale uma aha.
1

2

3