Qorshe cusub: Galmudug oo xilal siineysa maamulka Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa wali wada dadaalo lagu dardar galinaayo wadahadalka la filaayo inuu dhexmaro maamulka Galmudug iyo Ahlusunna wal-jameeca.

Dowlada Somalia oo dadaalkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay wado juhdi kama danbeys ah oo ay ku dhaqan galineyso wadahadalka labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa kala hadlay maamulka Galmudug sidii loo soo nooleyn lahaa wadahadaladan oo horey dhowr mar loogu guul dareystay.

Odawaa waxa uu sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay wadahadalkaasi balse ad adeega iyo caga jiidka uu yahay mid ka taagan dhanka Ahlusunna wal-jameeca.

Odawaa waxa uu sidoo kale, carab dhabay in dowladu ay diyaar u tahay haddii Ahlusunna ay kusoo biireyso Galmudug lasiiyo wixii qoondo ah ee dhanka Galmudug.

Sidoo kale, Madxaweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey ayaa dhankiisa ka sheegay in Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlu Sunna ay ka qeyb gelinayaan Siyaasada Galmudug isla markaana ay xilal Muhiim ah ka siinayaan Maamulka Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in shacabka Galmudug ay u baahan yihiin in laga shaqeeyo Hormarintooda balse aysan u baahneyn in lagu kor dagaalamo, waxa uuna Maamulka Ahlu Sunna ugu baaqay in ay ogolaadaan in ay wada hadal la galaan Galmudug.

Haddalka Odawaa iyo dadaalka maamulka Galmudug ayaa u muuqanaaya mid aan qancin doonin maamulka Ahlusunna wal-jameeca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com