Madaxweyne Muuse Biixi: Dimuqraadiyadda kuma jirto waa markaygii ee ha la i siiyo

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markale ka hadlay khilaafka doorashooyinka la xiriira ee isku hayaan xisbiyada mucaaradka iyo maamulkiisa.

Mudane Biixi ayaa waxa uu sheegay in dadka ay xaq u wada leeyihiin in la doorto, ayna xisbiyada mucaaradka ah la tartamaan ururada cusub, oo dhawaan ay guddiga doorashooyinka sheegeen inay soo horeynayso doorashadooda.

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadal ka jeedinayay shirweynaha xisbul-xaakimka Kulmiye oo maanta ka furmay magaalada Burco ayaa sheegay in doorashooyinka loo raacayo sida uu sharciga dhigayo, islamarkaana “ay dimuqraadiyada ku jirin waa markeygii ee ha la i siiyo kursiga.”

“Sharcigu siduu dhigayo ayaanu u raacaynaa doorashooyinka, sharciga hadii laga leexdana dalku ma soconayo. Xisbiyadii waqtigii ayaa ka dhacay, mucaaradkana xisbiyo cusub ayaanu wada dhisnay oo baarlamaanka ayay kasoo ogolaadeen,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu intaas kusii daray “Kuma jirto dimuqraadiyada waa markaygii ee ha la ii dhiibo, ma jirto walaahi hadii markayga la isiin waayo xabad ayaan ku qaadanayaa, taas rag hore ayuu ugu waayay haku lug gu’in walaalow, qaranku taa kumuu heshiin, dastuurku muu keenin, iskuma quudhno, af-waayeel maaha.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in sanadba aan qof loo dhiibayn talada balse kursiga lagu tartamayo oo kolba cidii ay shacabku doortaan ay madax noqonayso, xilli mucaaradka ay isku maan dhaafsan yihiin sida loo soo kala horaysiinayo doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada.

Arrimahan ayaa uga soo diraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagneyd gudaha Somaliland, taasi oo salka ku haysay kala horeynta labada doorasho ee madaxtooyada iyo xisbiyada.

Mucaaradka ayaa horay si adag uga horyimid in lasoo hormariyo doorashada xisbiyada, ayna tahay in marka hore loo dareero doorashada Madaxtooyada, halka uu taasi badelkeeda ay u ololeynaysay xukuumadda Muuse Biixi, taasi oo ugu dambeyntiina sida muuqata u meel-martay.