Madaxweyne Muuse Biixi oo billado guddoonsiiyey afar sarkaal + Arag Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta billado iyo shahaado-sharafeeddo guddoonsiiyey Afar sarkaal oo katirsan ciidamada Somaliland, kuwaas oo kasoo qalin-jebiyey kulliyadda ciidamada oo ku yaalla dalka Itoobiya, islamarkaana derejooyin aad u sarreeya ku qalinjebiyey.

Munaasibad uu madaxweynuhu shahaado-sharafeeddada iyo billadaha ku guddoonsiinayey saraakiisha ayaa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, waxana madaxweynaha ku wehelinayey taliyaha ciidamada, wasiirka gaashaandhigga, la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda, gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye iyo afarta sarkaal ee la abaal-marinayey.

Waxaana goobta laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo guulaha ay Somaliland u soo hooyeen saraakiishani iyo sida ay tusaalaha ugu yihiin dhammaanba ciidanka Somaliland.

Taliyaha guud ee ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Taani iyo wasiirka gaashaandhigga, Vabdiqani Caateeye, ayaa ugu horrayn madaxweynaha siiyey warbixin ku saabsan heerka ay waxbarashada ka gaadheen saraakiisha dhawaan qalin-jebisay, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay wax weyn ka tari doonaan baahida uu ciidanku u qabo in aqoontiisa la horumariyo.

Madaxweyne Biixi ayaa isaguna dhankiisa saraakiisha soo qalin-jebisay ku bogaadiyey horumarka ay sameeyeen iyo guusha ay kasoo hooyeen jaamacadaha ay dhiganayeen ee ay hormoodka ugu noqdeen kumannaanka arday ee ka kala socota dalalka Afrika.

Madaxweynaha ayaa waxa uu saraakiisha soo qalinjebisay ku adkeeyey inay aqoontooda ku dhisaan ciidamada, si uu qaranku u yeesho ciidamo tayo leh, wuxuuna yiri

“Waxa la idinka doonayaa aqoontaa aad keenteen iyo horumarkaas inaad ciidanka ku dhistaan, xooggana waxannu saaraynaa dhismaha ciidanka, hadduu ciidanku inoo dhismona qaranku wuu dhismayaa, waxa la idinka sugayaa qaran-dhis iyo inuu ciidanku sidii uu ahaa kasii xoogaysto oo laga ilaaliyo qalin-daarka”.

“Madaxweyne ahaan iyo xukuumad ahaan dhammaanteen waxa inagu waajib ah inaynnu ciidamada ka ilaalinno qalin-daarka, ciidamada haddii la qalin-daaro socon mayso, ciidanku ma qaadi karo musuqmaasuq, ciidanku ma qaadi karo xeer-jebin iyo in sharciga ninna laga dhaafo ninna lagu dabbaqo ciidanku ma qaadi karo, ciidanku Dhisibiliin iyo is maqal buu ku dhisan yahay, annaguna ciidanka siyaasad usoo gudbin maynno”.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale amar ku bixiyey in dhulka danta guud ah qaybo kamid ah loo qoondeeyo ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dawladda, isaga oo islamaantaba wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta u diray wareegto u arrintan ku fulinteeda ku farayo.

Afarta sarkaal ee kasoo qalin-jebiyey jaamacadaha Itoobiya oo mid kamid ahi billad dahab ah kusoo guulaystay, ayaa kala ah:

1. Gaashaanle Sare Axmed Hurre Haarriye
2. Gaashaanle Dhexe Nimcaan Yuusuf Cismaan
3. Gaashaanle Cabdirisaaq Xasan Dalmar
4. Gaashaanle Mustafe Cabdi Xasan.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa