Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay dowlado iyo hay’ado dhibaato ku haya Soomaaliya

Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka oo maanta ka bilaabanaya deegaanada Somaliland ayaa rumeysan in hogaanka Soomaalida u baahan yahay isku-tashi.

Muusi Biixi ayaa sheegay in faragelinta ay Soomaaliya ku hayaan hey’adaha iyo dowladaha adduunka ay sabab u noqotay in Soomaaliya ay gaari weyso wax horumar ah, isagoo xusay inaysan Soomaaliya marxaladaan ka gudbi karin illaa ay isku tashato sida uu hadalka u dhigay.

“Hay’addaha waxa la yiraahdo waxay noo keeneen in ay maskaxda naga duleystaan, in aan isku kalsoonaan weyno, in nala kala wareysto, waa waxyaabaha Afrika in badan oo badan qaribay. Haddii deeq ay wax tareyso, haddey lacag wax tareyso, haddey ciidamo ajnabi wax tarayaan dowladdaa Muqdisho ka dhisan bay wax tari lahaayeen 30-sano ayaa lagu kala dhex-jiraa, waxaan qabaa haddii kaligood go’aan gaari lahaayeen in ay heer gaari lahaayeen,” ayuu ka yiri shir jaraa’id.

Somaliland ayaa 1991-dii waxay ku dhawaaqdey in ay ka go’dey Soomaaliya inteeda kale. Hase ahaatee, waxay ku guuldareysteen in ay tan iyo waqtigaas helaan aqoonsi kaga yimaada Beesha Caalamka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka maamulkisa ugu baaqay in ay yeeshaan talo midaysan maalmaha doorashada si cududoodu u midowdo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimada doorashada laga leeyahay ay tahay in la helo bulsho wax wada leh oo midaysan.

“Golihi wakiilada waxa iskugu imaanaya dad ay soo xuleyn gobolada oo dhan, dowladaha hoosena waxaa iskugu imaanaya dad ay soo xuleen dagmooyinka iyo tuulooyinka oo iskugu imanaya caasimaddii dagmada” ayuu yiri.

“Waxaynu helaynaa talo midaysan, markay taladu midowdana xoogeeniba midoobaya oo wax baynu wada yeelanaynaa, waxa baxaya colaadii iyo kala shakigii” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Baaqa madaxweynaha ayaa u jeedkiisu yahay sidi doorashooyinka si nabada loogu gali laha isla markaana loo yarayn laha khilaafka iyo is maan dhaafka.