Farmaajo iyo Kheyre: Laba musharax oo leh waxqabad isku mid ah – Sidee ayaa lagu kala saari doonaa? (Warbixin)

Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya waa xilligan 2021 waxaa ka mida laba musharax oo aan la kala saari karin, taariikhdana ku galay inay ahaayeen madaxweyne iyo Ra’iisal wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee isla soo shaqeeyay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si lama filaan ah ku noqday Madaxweynaha Soomaaliya 8-dii Febraayo 2017, wuxuu isna si lama filaan ah 15 maalmood kadib Ra’iisal wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre, waxayna wada shaqeeyeen 3 sano iyo Bar ku dhowaad ilaa markii danbe khilaaf siyaasadeed uu Golaha shacabka xilka ka qaaday Xasan Cali Kheyre 26 July 2020.

Farmaajo wuxuu mar si cad u sheegay inuu keenay Ra’iisal wasaare isaga ka fiican, waxaana u muujiyey kalsooni xad dhaaf ah ilaa uu xaaladda gaarsiyey inuu waxqabadkiisa ka mid yahay Ra’iisal wasaare iyo Madaxweyne isla dhammeysanaya xilliga 4-ta sano ah.

Xasan Kheyre iyo Maxamed Farmaajo waxay wadeegeen wax kasta oo dowladii ay hoggaaminayaan ku kacday oo waxqabad, fashil, horumar ama dib u dhac ah, iyadoo aan la kala saari karin waxqabadkooda iyo eedaha ay galeen oo ay ugu horeyeen dhiibistii Qalbi-dhagax, weerarkii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdshakuur iyo boobkii doorashooyinkii Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Farmaajo wuxuu sheegtaa dhammaan horumarradii laga gaaray dib u dhiska ciidamada, deyn cafinta iyo kordhinta dhaqaalaha iyo miisaaniyadda, balse taageerayaasha Farmaajo waxay jecel yihiin inuu qaado eedaha iyo tacadiyadii ay geysatay dowladii ay wada hoggaaminayeen Xasan Kheyre iyo Farmaajo; halka Kheyre jeclaan lahaa inuu kaliya ku olole galo horumarkii la gaaray.

Xasan Kheyre waxaa cad inuu Farmaajo uga hor yimid arrimaha doorashada iyo muddo kororsi uu sii ogaa inuu Farmaajo sameynayo, laakiin uma diyaarsaneyn inuu wajaho madaxweynihii magacaabay ee ay siu dhowaayeen, waana tan keentay in si dhib yar looga takhaluso.

Ma kala cadda, isaguma ma caddeyn Kheyre inuu uga hor yimid qorshihii Farmaajo isagoo rajo badan ka qabay inuu xilka kala wareegi karo haddii uu is sharxo iyo inay dantiisu ahayd dhowrista dastuurka iyo diidmada sharci darrada.

Halka Qodob loo diiwaan geliyey inuu Kheyre uga duwan yahay Farmaajo ayaa ah inuu ka hor yimid muddo kororsi iyo doorasho ku shubasho ah oo Farmaajo kusoo noqda, laakiin waxaa dadka ku adkaan doonta sidii ay labadan musharax u kala saari lahaayeen marka la gaaro doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, haddii ay tartabka galaan iyagoo laba musharax ah.

Xigasho: Goobjooge.net