Soomaali ka tirsanaa kooxda Xuutiyiinta Yemen oo la dilay

Sanca (Caasimada Online) – Telefishinka Cadan ayaa baahiyey in muwaadin Soomaali ah oo ka bar-bar dagaalamayey kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen Khamiistii lasoo dhaafay lagu dilay iska hor imaad dhex-maray kooxdaasi iyo sidoo kale ciidamada dowladda Yemen.

Magaca muwaadinka lagu dilay dagaalkan oo ka dhacay jiida gobalka Ma’rib ee Bariga dalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay Maxamed Saalax Sheekh Daahir, waxaa la sheegay in maleeshiyada Xuutiyiinta ay ku aaseen Qabuuraha degmadda Al-Khamsiin oo ka tirsan  magaalada Sanca ee caasimada dalka Yemen.

Sidoo kale Telefishinka ayaa sii daayey muuqaalka rag Soomaali ah oo caddaynaya geerida Saalax oo ku dhintay dagaalkaasi.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta dowladda Yemen Mucammar Al-Eryaan oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay dagaalkaasi, wuxuuna ku eedeeyey kooxda Xuutiyiinta inay dagaal gelinayaan Ajaanib Afrikaan ah, isla-markaana qaxooti ku ah Yemen.

“Labo kamid ah Kooxda Xuutiyiinta ee garabka ka heysata Iiraan ayaa is qarxin & dagaal lagu naafeenayo amniga iyo Xasiloonida Yemen ugu yeertay Qaxootiga & Dadka soo galootiga ah, arrintaan waa dambi weyn  oo ka dhan ah Bani aadamnimada iyo Shuruucda in Dadkaas lagu qasbo rabshado,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee dowladda Yemen.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii uu askari ka tirsanaa Kooxda Xuutiyiinta uu toogasho u geystay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa magaalada Sanca ee caasimada Yemen, kaas oo lagu magacaabi jiray, Ibraahim Cali Faarax Muuse , isla-markaan ahaa 36-jir ahaa.

Yemen ayaa waxaa muddo ka socda dagaallo u dhexeeyo dowladda dalkaasi oo taageero ka heleyso is-baheysiga uu horkacayo Sacuudiga iyo koxoda Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan, waxaana ku dhintay Kumanaan kun oo qof, halka ku barakaceen kumanaan kale oo dad ah.