Xog: Midowga Musharaxiinta oo maanta R/W ROOBLE u gudbinaya liis xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyaan liis ay ku qoran yihiin magacyada labatameeyo qof oo xubno ka ahaa Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka ee heer federal iyo heer gobol.

Xubnahan ayaa ah kuwa lagu soo eedeeyay inay yihiin shaqaalaha dowladda, wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA iyo taageerayaasha dowladda ee baraha bulshada ka aflagaadeeya siyaasiyiinta.

Guddi ay Midowga Musharaxiinta u xil-saareen baaritaanka iyo turxaan bixinta guddigan ayaa shalay ku shiray Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay isku raaceen tirada iyo magacyada xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga, iyagoo laga doonayo inay caddeymo u keenaan dadka la tuhunsan yahay.

Marka ay guddiga musharaxiinta soo gudbiyaan liiskan, ayaa waxaa la wareegi doona guddiga heerka Wasiir ee uu shalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kuwaas oo loo xil saaray xaqiijinta caddeymaha xubnahan cabashada laga keenay, iyagoo marka ay soo tala bixiyaan la wadaagi doona Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal shalay kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shegay in magacaabista guddigan ay ku timid heshiiskii Muqdisho 27 bishaan ku kala saxiixdeen madaxda federaalka iyo madax gobaleedyada dalka.

Rooble ayaa maraya mid kamid ah tijaabooyinkii ugu adkaa ee lagu ogaan doono inuu dhex dhexaad ka yahay doorashada Soomaaliya oo ay ka go’an tahay inuu fuliyo heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay 27 Bishan, iyo inuu weli ka amar qaato madaxtooyada.

Sida ku cad heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay, guda galista xalinta khilaafka ka taagan guddiyada doorashada ayaa ku eg maanta ay taariikhda ku beegan tahay 31 May 2021, waxaana qasab ku ah musharaxiinta inay soo gudbiyaan liiska xubnaha cabashada laga qabo.

Fulinta qodobkaan la xiriira wax ka qabashada cabashada ka taagan guddiga doorashada ayaa noqon doonta mid lagu ogaan doono suurta-galnimada in doorashada ay ku dhacdo waqtiga lagu heshiiyey oo ah muddo 60 maalmood ah, waxaana dib u dhac kasta oo yimaada uu sii durjin karaa waqtiga doorashada.