Wasiirka arrimaha gudaha DF oo magacaabay xilal cusub

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda xil-gaarsiinta, Mudane Mkhtaar Xuseen Afrax ayaa magacaabay agaasime waaxeedyo cusub oo haatan wixii ka dambeeya ka howl-gali doono wasaaradaasi, kadib wareegto uu soo saaray.

Afrax ayaa magacaabay illaa afar agaasime, kuwaas oo qabanayo howl-aha kala duwan ee hor-yaalla wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wareegtada oo kuu taariikheysan 22-kii bishan ayaa waxaa agaasimaha waaxda xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta loogu magacaabay Cabdiraxmaan Xaashi Faarax, halka Muuse Abshir Cabdi isna loo magacaabay agaasimaha waaxda dhaqanka iyo arrimaha Bulshada.

Sidoo kale isla Digreetadan ayaa waxaa aaasimaha waaxda xiriirka iyo warfaafinta ee wasaaradda arrimaha gudaha loogu magacaabay Abshir Macalin Maxamed, halka isna Xanafi Cabdi Cale loo dhiibay xilka agaasimaha waaxda Hay’adaha aan dowliga aheyn (NGO).

Magacaasbita agaasime waaxeedyadan cusub ayaa timid, kadib talo soo jeedin ka timid agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, waxaana qoraalka lagu sheegay in xubnaha la magacaabay lagu soo xushay waayo-aragnimo fog.

Si kastaba, magacaabistani ayaa ku soo aadeyso, xilli lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah, isla-markaana xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay tahay xil-gaarsiin oo kaliya, inta laga soo dhisayo xukuumad cusub.