Sidee Iran u awoodday inay weerarto xarun qarsoodi ah oo ay leedahay CIA-da?

Irbil (Caasimada Online) – Wargeyska Washington Post ayaa qoray in koox Iran ku xiran ay awood u yeelatay inay beegsato xarun qarsoodi ah oo ay leedahay CIA-da Mareykanka, ayaga oo adeegsanaya diyaarad drone ah, bishii April.

Weerarka ayaa lagu qaaday xaruntan oo ku taalla magaalada Irbil ee is-maamulka Kurdistan ee dalka Iraq.

Weerarkan oo kasii dari doona xiisadda gobolka ayaa muujinaya qorshe si taxaddar leh loo dejiyey iyo awoodda Iran iyo maleeshiyada ay taageerto ee Iraq ay xog ku heli karaan, kuna fulin karaan weerar.

Iran ayaa awood u yeelatay inay diyaaradda Drone-ka ah usoo dirto Iraq, ururiso xog sirdoon oo ku saabsan dhismaha CIA-da oo ku dhex-yaalla xarun ay leeyihiin Mareykanka, kadibna qaaday weerarka oo si buuxda loola haleelay.

Weerarka ayaa ka yaabiyey Mareykanka, sida lagu sheegay warbixinta, wuxuuna hoggaamiyey su’aalo ku saabsan sida ay Iran ku ogaatay xaruntan. Mareykanka kama jawaabin weerarka, wuxuuna isku dayey inuu qariyo.

“Aqalka Cad aad ayuu cabsaday. Goobtu waxay aheyd mid qarsoodi ah, weerarkuna wuxuu ahaa mid aad u il-baxsan,” ayaa lagu yiri warbixinta Washington Post.

Weerarka oo dhacay 14-kii April, balse la qariyey, ayaa ahaa kii ugu weynaa ee maleeshiyada Iraq ee ku xiran Iran ay ku qaadaan Mareykanka.

Xarunta la weeraray ayaa la rumeysan yahay inay marti-gelineysay Taliska Howlgallada Garaka ah ee CIA-da, halkaasi oo lagu ururin jiray xogta sirdoon, lagana qaadi jiray howl-gallada CIA ay ka fuliso Iraq.

Ka sokow weerarka, Mareykanka ayaa hadda ka walaacsan in Iran ay hayso xogta goobaha qarsoodiga ah ee CIA-da ay ku leedahay Iraq iyo gobolka, iyo heerka ay gaarsiisan tahay taknoolajiyadda casriga ah ee Iran ay u adeegsatay weerarka.