XOG: Axmed Madoobe iyo DENI oo diiday casuumaad uu u sameeyay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubaland ay diideen ka qeybgalka xaflad casho sharaf ah oo uu damacsanaa in uu sameeyo Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka cudurtay casuumaaddan, iyagoo sheegay in ay safar u yihiin degaanadii ay ka yimaadeen, kuwaasi oo ay isla maanta ku laabteen.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in Villa Somalia ay ka fakareyso baajinta qabashada xafladda iyo inay sii socoto oo lagu casuumo saddexda madaxweyne goboleed ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa damacsanaa in uu casho sharaf u sameeyo dhamaan saxiixiyaasha heshiiskii doorashada Soomaaliya ee dhowaan lagu gaaray Muqdisho, hase yeeshee waxaa ka diiday Deni iyo Axmed Madoobe. 

Dedaalo badan oo ay sameeyeen Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa guul darreystay kuwaasoo Deni iyo Axmed Madoobe kala hadlay in ay xaflada ka qeybgalaan iyagoo ergo ka ahaa Farmaajo. 

Farmaajo ayaa doonayey inuu munaasabaddan ku muujiyey midnimo, iyo in la iska hilmaamo wixii horey u dhacay si doorasho loo aado ayada oo la isku niyadsan yahay.

Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa hore qado sharaf iyo casho sharaf sagootin ah u kala sameeyay madaxda dowlad gobaleedyada, waxaana la sheegay in Madaxweyne Farmaajo damacsanaa in uu isagana qaabilo madaxda lana heshiiyo mar haddii heshiis laga gaaray doorashada Soomaaliya.

Loolankii ugu adkaa ee hareeyey qabashada doorashada Soomaaliya ayaa u dhaxeeyey Farmaajo iyo labadan madaxweyne goboleed, waxaana weli muuqata inaanu dhammaan xifaaltankooda.