Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay inay siyaasadda Somaliland khal-khal santahay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay qirtay in siyaasad xumo baahsani ka jirto gudaha Somaliland, midaasi oo keentay dib u dhacyada badan ee ku yimaada qabsoomida doorashooyinka.

Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay in Somaliland ay weli curdin tahay, isla markaana ay weli qabyo ka yihiin sharciyo badan oo weli dhismaya, isagoona xusay inay ka xukuumad ahaan la halgamayaan talada loo dhiibay.

Biixi ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in siyaasada Somaliland ay xuntahay, aadna u liidato, sida ay baahiyaha bulshada sida Wadooyinka oo kale u liitan ee ay u burbureen, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuuna ku baaqay Madaxweynuhu in siyaasada Somaliland la dajiyo oo la iskuna yimaado, si doorashooyinka u qabsooman iyadoo si wada jir ah loogu wada dhan yahay, oo wax tabasho ah aysan jirin.

Muuse Biixi ayaa waxa kale oo uu Golaha wakiilada Somaliland ka difaacay inay iyaga ka qabsoomi laadahay doorashadu, isagoona sheegay in Golahaasi diyaar u yahay inuu baneeyo haddii uu yimaado golihii badali lahaa.

Biixi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay la dagi laadahay inaysan laheyn qodobka ah ‘in xilka sii joogaan goluhu ilaa inta ay ka imaanayaan gole kale’, midkaasi oo noqon kara muddo korodhsi dadban oo sababi kara inaysan doorashooyinku qabsoomin.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyey in loo baahanyahay in Somaliland iyadu ay gaadho isku filnaansho ah in doorashooyinkeeda ay iyadu qabsan karto, kana maarmi karto beesha caalamka, xili ay qaar kamid ah wadamada ka taageera doorashooyinka ay soo saareen digniino.