Madaxweyne Muuse Biixi oo tegay Nairobi iyo Kenya oo billowday qorshe cusub

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray caasimada dalka Kenya ee Nairobi, kadib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha Kenya.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa marti-qaad u fidiyay madaxweynaha Somaliland, xili ay meel sarre mareyso xiisada kala dhaxeysa dowladda federaalka, oo dhawaan dalka ka ceyrisay safiirkii xukuumadda Nairobi.

Muuse Biixi ayaa waxa socdaalkan ku wehlinaya Wasiirrada Arrimaha dibadda, Arrimaha gudaha iyo xubno kale oo ka tirsan golihiisa wasiirada, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya kulamo uu Biixi kula yeelanayo Uhuru magaalada Nairobi ee caasimada dalkaas.

Madaxtooyada Somaliland oo war kooban kasoo saartay safarka Biixi ayaa sheegtay in socdaalkiisu u daaran yahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo xiriirka ka dhaxeeya Hargeysa iyo Nairobi.

“Safarkani waxa uu daarran yahay sidii loo xoojin lahaa, loona dar-dargelin lahaa xiriirka Diblomaasiyasadeed iyo midka  wada-shaqayneed ee inaga dhexeeya waddanka Kenya, muddada ay wefdigu dalkaas ku sugan yihiinna waxa ay kulamo la qaadan doonaan dhiggiisa waddanka Kenya,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Somaliland.

Marti-qaadka Kenya ee madaxweynaha Somaliland ayaa u muuqda mid ay ku cadaadineyso dowladda federaalka,  oo muddooyinkii dambe qaaday tallaabooyin ka dhan ah Nairobi. Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Somaliland si heer madaxweynenimo oo kale loogu soo dhaweeyo dalkaas.

Safarka ayaa ku soo beegmaya laba toddobaad uun ka dib, markii khilaaf diblomaasiyadeed soo kala dhex galay dawladda Soomaaliya iyo dawladda Kenya.

Dawladda Soomaaliya oo cabasho ka qabta in Kenya faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkii u fadhiyey Nairobi, halka ay Muqdisho ka ceyrisay safiirkii Kenya.

Inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in laga yaabo in Kenya ay dal ahaan u aqoonsato Somaliland, haddana Caasimada Online ayaa fahamsan inaysan sidaas sameyn doonin, balse ujeedka casuumadda uu yahay in lagu kululeeyo dowladda federaalka, ayada oo heer madaxweyne loo sharfayo Muuse Biixi.

Kenya ayaa horey u qaaday tallaabo noocan oo kale ah markii ay is-qabteen Soomaaliya, ayada oo qunsuliyad aysan fasaxin dowladda federaalka ka furatay magaalada Hargeysa.