28.9 C
Mogadishu
Monday, November 3, 2025

Madaxweyne Qoor-Qoor oo wajahaya imtixaan adag kadib markii GALMUDUG ay ka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa bartanka kaga jirta xaalad aan hore loo arag, taas oo ka dhalatay kororka dilalka aanooyinka beelaha ee ka jira qaybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, haba ugu darnaatee Galgaduud.

Xiisadda ka dhalatay dilalkan ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii 8-dii Oktoobar hooyo iyo saddex hablood oo ay dhashay la sheegay in lagu dilay meel u dhow deegaanka Qaayib oo hoos taga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Dowlad-goboleedka Galmudug iyo Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa lagu eedeeyay in aysan si sax ah u qaban maxkamadeynta saddex nin oo falkaasi loo soo xiray, tanina waxay ka carreysiisay dad badan, iyadoo markii horeba ay caro baahsan ka taagnayd dilka hooyada iyo gabdhaheeda.

Kooxo hubaysan oo la aaminsan yahay in ay caddaalad-darro tirsanayaan ayaa xalay miyiga degmada Baxdo ku dilay hooyo, iyaga oo dhaawacay wiil ay dhashay. Maydka hooyadan iyo dhaawaca wiilkeeda oo la keenay Baxdo ayaa looga sii qaaday dhinaca magaalada Cadaado, maantana, caddayn muujinaysa dhibka gaaray, loogu soo bandhigay laamaha amniga.

Arrintan ayaa waxay ka carreysiisay maleeshiyaadka beesha ee aadka u hubaysan, iyaga oo ku hanjabay inay gacantooda sharciga ku qaadan doonaan, oo khalad khalad ku sixi doonaan, haddii uusan maamulku si degdeg ah gacanta ugu soo dhigin kooxihii falkaasi geystay.

Odayaasha iyo waxgaradka reer Cadaado iyo Baxdo ayaa madaxda Galmudug ugu baaqay inay u dhaqaaqaan, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cid kasta oo falkaasi ku lug leh, si loo dejiyo dareenka dadka deegaanka ee kacsan.

Odayaasha ayaa maleeshiyaadka deegaanka uga digay inay wax xadgudub ah geystaan iyo in aan xaaladda taagan looga sii darin, inta maamulku tallaabo u qaadayo xagga kooxihii dilay marxuumad Madiina Jimcaale Wehliye, isla markaana dhaawacay wiilkii ay dhashay.

Odayaashu waxay u muuqdaan kuwo fursad siinaya maamulka, xilli rajoxumo laga muujinayo sida maamulku uu ku soo qaban karo kooxahaasi, maadaama la fahamsan yahay inay u tallaabeen dhinaca geeska bari ee gobolka Galgaduud, oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka arrimiso.

Cabsida ay dadka muujinayaan ayaa ah in, haddii maamulku uu ku guuldarreysto soo qabashada kooxahaasi, ay u dhintaan haween aan waxba galabsan amaba cid kale oo aan wax dambi ah geystan.

Haweenka reer Galmudug waxay dareemayaan walaac dhinaca amniga ah, waana dhaqan ku cusub bulshada Soomaaliyeed in hooyooyinka la dilo.

Maleeshiyaadka beelaha ee dilalka geysta weligoodba waxay beegsan jireen ragga; taasna waxaad mooddaa in dadku aysan wax dan ahi ka geli jirin, laakiin midda qof walba taabatay ayaa ah in lagu soo noqdo haweenkii iyo carruurtii aan la taaban jirin.

Xaaladdan ka jirta bartamaha dalka ayaa loo arkaa mid kala fogeynaysa beelihii walaalaha ahaa ee muddada dheer soo wada jiray, nacayb aan la aragna uu dhexdooda ka abuurmo, waana xaalad khatar ah oo xaddidaysa in dadku is-dhexsocdo.

Dilalkan qodxaha leh ee soo kordhay ayaa lagu sheegay kuwo caqliga Soomaalida ka dhigaya mid aad u hooseeya, haddiiba qaar ka mid ahi ay ku fakarayaan inay dilaan hooyooyinka iyo barbaarta. Ilaalinta haweenka iyo dhallinta ayaa ku xiran jiritaanka qowmiyadeed ama bulsho.

Maleeshiyaadka qabaa’ilada, kala celintooda iyo in sharciga lagu qaado kuwooda dilalka geysta ayaa wiiqaya horumaradii ka jiray deegaanka, maadaama ay istaajinayaan howlihii shaqo ee maamulka. Waxay kaloo carqaladeynayaan diyaar-garowgii socday ee ciidamada loogu diyaarinayay guluf cusub oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), madaxweynaha Galmudug, iyo maamulkiisa ayaa dhexda kaga jira badweyn ay tahay inay ka dabaashaan.

- Advertisement -

Read more

Local News