Madaxweyne Saciid Deni ma DAACAD bey ka tahay mase DANTAA qasabtay?

Garowe (Caasimada Online) – Labadii todobaad ee lasoo dhaafay hadal heynta baraha Bulshada ayaa noqotay casuumaada xafladda caleemo saarka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ka dhacaysa magaalada Garowe.

Xafladaasi waxaa keenay in la hadal hayo marti sharafta loo qorsheeyay inay ka qeyb galaan oo ka duwan kuwii ka qeyb gali jiray xafladii ugu dambeeyay ee madaxweynayaasha maamulada lagu caleemo saari jiray.

Masuuliyiinta ka qeyb galaya munaasabadda ayaa siyaabooyin kala duwan uga qeyb galaya, balse Soomaalida ayaanan faham saneyn ujeedada hoose ee ka dambeysa in dad kala aragti duwanaa ay ka qeyb galaan munaasabaddaasi.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saaxiib dhow la ahaa Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa, waxaana taasi ay qasabtay in xaflad lagu caleemo saarayo aysan wanaagsaneyn inay ka maqnaadaan dadkii uu koox ahaan kamid ahaa.

Sidoo kale Waxay taasi sababtay inay ka qeyb galaan caleemo saarkiisa dhamaan xubnaha mucaaradka oo markii hore uu saaxiib dhow lahaa, maadaama ay arin aan wanaagsaneyn ku noqon laheyd haddii uusan casuumin.

Dhanka dowladda Soomaaliya ayuu ku qasbanaa inuu casuumaad usoo diro, balse wuxuu sameyn karay inuu albaabada ka xirto madaxda dowladda Sidii C/Welli Gaas, laakiin isaga oo ka cararaya in culees kale uu wajaho isaga oo xilka ku cusub ayuu casuumay madaxda dowladda.

Bilowgii dadka la doonayay in musaanadda lagu casuumo ayaa aheyd madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana markaasi soo baxay inuu wadahadal siin rabay Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo, balse caqabado ayaa halkaasi ka yimid oo dhanka dowladda ahaa, sida xogaha aan ku heleyno.

Waxaa dadka falanqeeya siyaasadda ay sheegayaan in marka la eego dhamaan culeesaadyadaasi in madaxweyne Deni uu ku qasbanaa inuu dadkaasi uu ka qeyb galiyo xafladiisa caleemo saarka.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com