Sawirro: Axmed Madoobe oo Garoowe la tegay ilaalo si cajiib ah u labisan

Garowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa noqday masuulkii ugu horeeyay ee taga magaalada Garowe isaga oo ka qeyb galaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Madoobe ayaa halkaas la tagey ciidam aad u hubeysan, oo ilaalada gaarka ah, waxaana dadka soo jiitay habka ay u labisan yihiin.

Axmed Madoobe ayaa mahad celin u jeediyay madaxda maamulka Puntland, isaga oo sheegay in Puntland ay mudan tahay in meelo badan looga daydo.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kusoo dhaweeyay magaalada Garowe ayaa Axmed Madoobe kaga mahadceliyay sida uu u aqbalay casuumaadii uu u fidiyay, isaga oo noqday masuulkii ugu horeeyay ee tagay Garowe.

Saciid Deni, ayaa sheegay in labada maamul ay wax badan ka wada shaqeyn doonaan, isaga oo cadeeyay in Jubbaland ay tahay maamul muddo dhisan, islamarkaana wax badan ay ka wada shaqeyn doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com