Puntland oo go’aan culus ka qaadatay siyaasiyiinta laga cabsanayo in caleemo saarka ay isku weeraraan

Garoowe (Caasimada Online) – Mamaulka Puntland ayaa ku dhowaaqay go’aan la xiriira siyaasiyiinta ka qeyb-galaya caleema saarka madaxweyne Deni, xilli laga cabsi qabo in goobta laga dhigo meel ay isku weeraraan dowladda iyo muaacaradka.

Wasiirka warfaanta Dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ka mid ah guddiga qaban qaabada caleemo saarka Madaxweynaha Puntand, ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in arrimo siyaasaddeed iyo ujeedooyin gaar ah looga faa’iidaysto xafladda caleemo saarka.

Wasiirka warfaanta  Puntland oo war baahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in guddiga qabanqaabadu in ay kala hadli doonaan martida qudbadaha ay jeedinayaan Xaflada Caleema saarka Madaxweyne Deni.

Cabdi Xirsi Cali ayaa sidoo kale sheegay in aysan  Puntland wax ujeedo siyaasadeed oo u gaar ahka lahayn in ay Garowe isugu keento wafuud cadowtinimo siyaasadeed ay ka dhexayso, balse muhiimadu tahay in Puntland muujiso inay qadarin uhayso muxaafid iyo mucaarad.

Hadalka wasiirka warfaanta ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay tahay markii ugu horeysa oo ay madal isugu imaandoonaan Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, iyada oo la sugayo qudbadahooda.

Caasimada online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com