Yuu ku socdaa weerarkii cuslaa Sheekh SHARIIF?: FARMAAJO mise XASAN?

Shiikh Shariif waxa uu ka mid yahay hooggamiyayaasha yar ee intii ay xil dawladeed ka hayeen Soomaaliya ay muuqatay shaqadii ay qabteen intii ka dambaysay burburka, kuwaas oo dhammaystay wakhtigii u astaysnaa.

Siyaasadda Shiikh Shariif illaa haddana waa mid aan dhihi karo waxay ka hagoogan tahay ceebaha iyo canjarafaynta hoggaamiyayaasha xillalka soo qabtay iyo kuwa hadda hayaba.

Illaa manta oo Shiikh Shariif bannaanka ka joogo hoggaanka siyaasadda, kamu aynaan arag dabeecadaha masuuliyiintii hore, ee ah xag-xagashada siyaasadeed.

Qayb ka mid ah hadal uu bixiyay dhowaan waxa uu ku yiri “Awood la’aanta dawladda hadda ka jirta Soomaaliya awgeed ayaa igu dhalisay in aan mar kale siyaasadda ku soo laabto.” Hadalkan ayuu u sheegay wargeyska The Standard Digital ee ka soo baxa Kenya.

Hadalkan waxa kale ee uu sheegay waxyaabo uu qabtay hore in ay dib u soo laabteen markii uu banneeyeen xilka, taas oo qiyaasteedu noqonaysa markii uu banneeyay jagada madaxtinimada, isla markaasna uu hoggaanka waddanka uu qabtay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Shiikh Shariif in uu jagada madaxtinimada isu soo sharaxo waa mid ka horraysay, xukuumadda hoggaanka hadda haysa. Baahida hoggaankiisa loo qabo ee uu sheegayna waa mid ku beegnayd ilaa iyo maalintii uu banneeyay xilka. Waayo Shiikh Shariif ma aha mid isa soo sharaxaya wakhtigan uun.

Aniga oo eegaya soo yaalka wacyiga siyaasadda Shiikh Shariif iyo hadalkan, waa mid aan weerar ku ahayn xukuumadda hadda jirta uun, balse waa jug ku dhacday cid kasta oo waddada haysa ilaa maalintii u ka tegay xilka.

W/Q: Cumar Rodol
Cumarrodol@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid