Madaxweyne Saciid Deni oo isbeddal lama filaan ah ku sameeyey golihiisa wasiirada

Garoowe ( Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu magacaabis iyo isbedel ku sameeyay xubnaha golaha wasiirada maamulkaasi.

Tallaabada uu qaaday Deni ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:- 

  1. Waxaa Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim loo bedelay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha.
  2. Waxaa Cabdullaahi Cabdi Xirsi loo bedelay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
  3. Waxaa Axmed Shire Siciid loo bedelay Wasiirka Wasaaradda Beeraha

Magacaabid:

  1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.
  2. Waxaa Dr. Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.
  3. Waxaa Dr. Carshe Maxamed Siciid Aw-muuse loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.
  4. Waxaa Maxamed Cabdullaahi Axmed (Libaaxe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
  5. Waxaa Cabdalle Cali Maxamed (Xashaawe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.
  6. T) Wasiir Kuxigeeno :

Bedel

  1. Waxaa Faa’iso Cali Ismaciil loo bedelay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Beeraha Magacaabid :
  2. Waxaa Laylo Cabdi Cali loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
  3. Waxaa Aamino Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Haweenka
  4. Waxaa Cali Cumar Caarshe loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda
  5. Waxaa Mukhtaar Cabdisalaan Suleymaan loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada
  6. Waxaa Qaasim Maxamed Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Dekeddaha
  7. Waxaa Cabduqaadir Maxamed Suleymaan loo magacaabay Wasiirk Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta
  8. J) Wasiiru Dowlayaal :
  9. Waxaa Shaakir Maxamed Guuleed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta
  10. Waxaa Axmed Maxamuud Maxamed (Barile) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha
  11. Waxaa Nuur Sheikh Daahir Sheikh Nuur loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha
  12. Waxaa Axmed Ibraamin Cawaale loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
  13. Waxaa Cabdinaasir Aadan Gows loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda
  14. Waxaa Mustafe Cabdifitaax Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  15. Waxaa Cabdiqani Maxamed Cabdi Ciise loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga
  16. Waxaa Yuusuf Axmed Maxamuud (Barre Faatax) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha
  17. Waxaa Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyoon) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.