Madaxweyne SACIID DENI oo ku sii jeeda KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, sida ay innoo xaqiijiyeey ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Saciid Deni oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saacadaha oo socda ka duulo doono garoonka Aadan Cadde, isagoo kusii jeeda Kenya oo uu maalmo soo joogo doono.

Lama shaacin ujeedka safarkiisa, balse waxaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madax ka tirsan dalkaas iyo safiirada qaar ee ku sugan magaalada Nairobi.

Safarka Deni ee Kenya ayaa kusoo aadaya, xilli ay soo dhammaatay doorashadii Somalia, gaar ahaan mida Madaxweynaha oo uu u tartamay, isaga oo gudbay wareegay 2-aad, balse ku haray wareega 3-aad oo ay ku loolameen Farmaajo oo laga adkaayo iyo Xasan Sheekh oo guuleystay, sidaasina loogu doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Somalia.

Kenya ayaa ka mid aheyd dalalka Afrika ee sida weyn u daneynayay inuu isbedal siyaasadeed ka dhaco Soomaaliya, si uu meesha uga baxo Farmaajo iyo maamulkiisa.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo wehliya oo iyagana ku sugan Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta dib ugu laabtaan Garoowe.

Si kastaba, Deni ayaa wajahaya xaalad adag iyo khilaaf ka dhashay damiciisii siyaasadeed ee hoggaanka dalka, kadib markii uu kasoo horjeestay ku xigeenkiisa Axme Karaash.