Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa faah faahin ka bixiyay wada hadallada maamulkiisu la yeellanayo Puntland iyo Ahlu Sunna Waljameeca.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa uu kaga hadlay qorshaha uga dagsan wadahadalada uu la qaadanayo Maamulka Ahlu-Suna oo gacanta ku heysa degmooyinka ugu badan ee Gobolka Galgaduud.
Xaaf ayaa sheegay ayaa sheegay dib u heshiisiinta iyo nabadgelyada in ay hadda ugu culus tahay howlaha hor yaalla maamulkiisa, balse wuxuu tilmaamay in ay ka shaqeynayaan arrimahaasi.
Madaxweyne Xaaf wuxuu kaloo sheegay in ay wada hadal ka bilaabayaan Gaalkacyo, Caabud-waaq iyo Dhuusa-mareeb, halkaasi oo ay wada hadal kula yeelanayaan masuuliyiinta Puntland iyo Ahlu Sunna
Madaxweynaha Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka Muujiyay in uu ku guuleystay xalinta Xiisadaha qabiilka salka ku haya ee gacan ka hadalka isu badala ee ka dhaca Cabidwaaq, Gaalkacyo iyo inta udhexeysa Cadaado iyo dhuusa-mareeb.
Mar uu soo hadal qaaday khilaafka Ahlu Sunna Waljameeca kala dhaxeeya ayuu sheegay in dooda Ahlu Sunna tahay mid siyaasadeed oo ka duwan tan Puntland, islamarkaana ka maamul ahaa diyaar u yihiin sidii xal loogu heli lahaa.
Dhawaan markii la caleemo saaray madaxweynaha Galmudug ayuu sheegay in maamulkiisa xoogga saari doono wada hadal lala furo maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee fadhigiisu yahay Dhuusa-mareeb.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo la doortay Saddexdii Bishan May ayaa loo caleema saaray xilkaas 26 beri kadib doorashadiisa, waxaana caleema saarkiisa ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]