Madaxweyne XAAF oo ku dhacay dabin lama filaan ah

Duusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Duusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Kulamada oo ahaa kuwa is daba joog ah ayaa waxaa yeeshay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada ee maamulkaasi.

Ilo ku dhow kulamadaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in Shaakir iyo Sabriye ay isku afgarteen inta badan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan u maaqata in ay dabin lama filaan ah u dhigtay Madaxweyne Xaaf, islamarkaana uu ku dhacay.

Sidoo kale dowladda ayaa wata qorshe ay kula heshiineyso Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Dhinaca kale Xaaf ayaa illaa iyo hadda wax kulan ah la qaadan wasiirka arrimaha dowladda Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dhinacyada isku haya siyaasadda Galmudug ayaa kala taagan qir iyo qir, waxaana xaaladdu ay ka sii dartay markii dowladdu ay ku dhawaaqday in la qabanayo doorashada maamulkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ay socdaan dadaallo xoogan oo looga arrinsanayo xiisadaha ka aloolsan halkaasi, inkastoo weli fikirkiisii uu ku dhagan yahay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo diidan in haatan doorasho uu galo maamukiisa.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com